Diiwaanka
Gabay

Abwaan:
Cabdirisaaq Cabdillahi Liiban

Bogo Talada

Tiriye: Cabdirisaaq Cabdillahi Leaban

Habar Yonis – Gunbuur

Tixda: Bogo Talada

Dec 2009

 Tixdan waxaan ka tiriyay mar la abaabulaayay shir beleed u gaar ah loona ololaynay laba hal oon diidana

  1. In lagu daro Habar Yoonis dad ka ammid ah beesha Madhibaan oo lagu qarameeyo
  2. In laysku raaco in dib loo doorto Madawayne Dahir Riyaale Kaahin

Bogo Talada

Maanaa Tolkay Baylahshoo,          Bahal  u loogaaya

Bahday  Manigaa Sida Abgaal,      Boqonta soo Gooya

Maanaa Shisheeyaha Boqroo,        Bili ka Eegaaya

Biyo Waalid Manaa Gaboo,            Badhaxa oo Liida

Maanaa Sidii Baadidii,                    Beela Kale Raaca

Baradayda Maanaa Nacoo,             Bilisa oo Heerma

••••••••••••••

Bogo Talada Habar Yooniseey Waa, Bar aan Go’ine

Bogo Talada Baarkaynu Nahay,        Bilicda Reer Sheekhe

Bogo Talada Diintaan Banayn,          Baadil iyo Beene

Bogo Talada Berribaa Lo’duba,          Burar u Dhaaftaaye

Bogo Talada Nacabkeena Badan,      Beeraq yuu Dhicine

Bogo Talada Baaqaan Sugnayn waa, Ba’ iyo Ceebe

          ••••••••••••••

Maanaa Gunnimo Beegsadoo,          Baydha Seben Baaska

Bakhti Maanigaa Cuna Waxaan,       Biri Xalaalynin

Maanaa Banaadkay Midgaan,           Bixiya oo Siiya

Bani Haashim Maanaa ku Dara,        Boonta iyo Xiiran

Maanaa Magtii Bucurbacayr,            Baafsha Abidkayba

Bogga Maanigaa sida Tumaal,          Buuxsha Sabarkayga

          ••••••••••••••

Bogo Talada Habar Yooniseey Waa, Bar aan Go’ine

Bogo Talada Baarkaynu Nahay,        Bilicda Reer Sheekhe

Bogo Talada Diintaan Banayn,          Baadil iyo Beene

Bogo Talada Berribaa Lo’duba,         Burar u Dhaaftaaye

Bogo Talada Nacabkeena Badan,     Beeraq yuu Dhicine

Bogo Talada Baaqaan Sugnayn waa, Ba’ iyo Ceebe

 

Recent Forum Posts

No recent posts