Diiwaanka
Gabay

Abwaan:
Cabdirisaaq Cabdillahi Liiban

Caddalool

Tiriye: Cabdirisaaq Cabdillahi Leaban

Habar Yonis – Gunbuur

Tixda: Caddalool

Jan 1996

 

Tixdan waxaan ka triyay markii dagaalada sokeeyo ka dhacayeen dalka Somali Land. Nasiib darrana waxaa ah ayadoo dadka is dilayay badidoodu aad u jeclaysanayay dagaalka.

 

 

 Ali Sugulleh Duncarbeed oo ka xun waxyaabaha dalkii Soomaliyeed oo dhan ka dhacaya ayaa abuubalay riwaayad baraarujin ah waxaanu ku furay riwaadda maansada ah:

 Col iyo abaar

Caano iyo nabad

Hadba kii ad cugatee

Calooshaada gelisaa

Cadil kaa aqbalayaa

Codsigu yuu ku seegin”

  Erayadaa ayaa igu kallifay inan tiriyo tixdan anoo la hadlaya Cali Suguleh oo aanu magaalo wada joognay (Ajman, United Arab Emirates)

                                               Caddalool 

Cawadaran Cawaysiyo habeen               Cawlankiyo feedka

Casar dheelmad waago casiyo                Caawa iyo manta

Cadceeddii timaadaaba waa                   Curasho taariikhe

Inaan cayna lagu waarahayn                  Caadilkuba sheegye

Cibro iyo tusaalaa naflaha                       Loo caddibayaaye

Cashar weeye maalmahan Calow         Camalka muuqdaaye

Cadkaagalay codaan beenahayn         Ceebka ka sahida e

Cadkaagalay canaan walidiyo               Cabasho waayeele

                                                                

Caara hoor sidii dirir curtoo                    Sabada ceegaagshay

Oo cuudka lagu doogdhaban                 Kuu cokinayaaye

Cadda boodday maansada ninkii         Soo ceshanayowe

Cawaag iyo farbaan marinayaa             Dhaadka caanka ahe

Cigalle caloolha bukaan                          Cafimaad geline

Ciganse waynay calaankaan dhisnoo    Haatan lala ciirye

Carshigaan malaa looga qorin                Curubta Reer Sheekhe

Calydhiyo ku sima baan lahaa                Cidhifa Doolloode

                                                                

Cabsiyo car juuqdhiyo wixii                      Cudud naloo sheegtay

Cadowgaanu ugu beegsaniyo                Curadadii lee’day

Caydhnimada cuudkii la huray ee         Caynta laga doortay

Cidlaa lagaga tegay iyo hadana            Cararku waa yaabe

Bahal caydhin daynwaa ninkii               Caado laasimaye

Kii hore raggii cunay wataa                     Loo cumaamaday

Cisigiyo wanaagii la diid oo                    Lays cajebinwaaye

Wataa caroogii la tumay                          Cidhib la’aneede

                                                                

Lays cugay colaad lagu ballamay        Sida cayaareede

Cadho guna cudurkii hore                      Ciilqabbaa jiraye

Nin waliba halkuu ciida biday                Waakan ciirsadaye

Ciidda la kala sheegtay iyo                    Ceelashoo idile

Cadkii Xayleh hore waayay                    Caashar iyo Geeba

Ciyibaa la kala doonaya                         Madax cashuurtiiye

Calafse laga dayo oon middaan           Cunaha dhaafayne

Cayib iyo xaajadan cuyuban                 Talada cayn roortay

Cayo iyo galoolbaa murmiyo                Caalle iyo aare

                                                                

Carrabkiyo cirrada aamustay               Coomirrada yaaban

Culimada la wada diiday iyo                Caasiyada baaqay

Cagaha madaxa kor u dhaafay iyo    Cirirka meeraaya

Cuqaasha iyo suldaamadan intaa      La cidhba dhawraayo

Caaqiibadeedi wataa                            Lays calaashadaye

Caddalool haday moodayeen            Ceebkalaa xigiye

Cuqubana ninkii galay marbuu         Caabaqeed dhamiye

Ceeryaamo waa subaxnimo iyo         Cadarka jilaale

Cirkaa nabadda laga bafiniyo             Caadadkaa sare

Way kala caddaan adduun waa           Cishiyo kawe

 

Recent Forum Posts

No recent posts