Diiwaanka
Gabay

Abwaan:
Cabdirisaaq Cabdillahi Liiban

Daynqaad

Tiriye: Cabdirisaaq Cabdillahi Leaban

Habar Yonis – Gunbuur

Tixda: Daynqaad

Feb 1997

 

Daynqaad waxaan ka tiriyay sidii u ku dhammaaday dagaalkii sokeeye ee woqoyiga Somaliya ama Somali Land.

 

Anigoo jeclaa nabadda haddana maan jeclaysan sidii ay dhammatay ee foosha xumayd ee Garxajis isaga soo daba galay ulana heshiiyay taliskii ay is hayeen ee Moxammed Ibrahim Cigaal

 

Daynqaad

Haddii ay daruuraha cirkiyo

Dirirku naafoobo

Oy daydo saranseerisoo

Dayrta laga quusto

Dareen iyo diraacuhu la hayn

Daaqa lagu dhaafo

Duunyada badhbaa leexda oo

Sabenku duubaaye

Habar Yonis doorkii ka madhay

Duq iyo waayeele

Midla dilay miday dooxday iyo

Duumo nimay qaaday

Dakanada raggii meerin jiray

Waa dabayshadaye

Waa degel madow reerihii

Damaca waalaaye

Danlay iyo dillaalbaa ka hadhay

Dooyo noo xidhane

Waa doogdhawgaa sii habqamay

Darajo raacdays

Waa duubcadoodii kuwaa

Loo durbaan tumaye

Dammaashaadka muu garan raggaa

Loo dabaal degaye

Doqonbaan dalluntiyo arkayn

Dabinka hoos yaalle

 

 

Ma dillaacshay daynqaad murtidu

Waa dardaarwerinne

Diirkaan ka sare eedahaa

Daaha loo rogaye

Ka durduurta maansada runtaan

Idin dareensiine

Dibaaqiina ii fura halbaan

Taa ku sii daraye

 

 

Dilka iyo dagaalada dhacee

Laysku dabar gooyay

Degelkiyo degaanada libdhee

Dayrka lagu meershay

Debbisbaa xalaalawday iyo

Dararkii dheemeede

Dekkeddii ragbaa looga hadhay

Daarihii gubane

Daabna lalama soo galo marsiyo

Dalawyadii Sheekhe

Danqanna waaye duridii fadhiday

Dacalka buuraaye

Dugsi maaha duulkula dhashoon

Cadow dabbaalayne

Elleen laguma diirsado gobaan

Xumaha diidayne

Dullinimo dabkay dhiibayeen

Daabac nagu reebye

Derisnimado waa ceeb haddii

Hoos laguu dayo’e

 

 

Ma dillaacshay daynqaad murtidu

Waa dardaarwerinne

Diirkaan ka sare eedahaa

Daaha loo rogaye

Ka durduurta maansada runtaan

Idin dareensiine

Dibaaqiina ii fura halbaan

Taa ku sii daraye

 

 

Dunidaba ninkaan dhiman ellyn

Daawasho u noole

Waa dayaysanyahay reer tolkay

Taniyo Daa’uude

Nabsigaa is dabo guurayoo

Waaba daan jira’e

Dooxii Hargeysaba darbaa

Looga soo didaye

Docdaan ugu hanwaynaana way

Dagantay waa yaabe

Difaac iyo dabraba Ciidagaleh

Daafad celinwaaye

Dalleen kuma ogayn Reer Mataan

Duudda reer dhamale

Dacarbeele waayadan Cabdigu oo

Digirrin shaasheeye

Dayaxii Ba Iidiyo la qari

Damashi Guuleede

Dala’siga ma yeeleen gunimo

Dalabta quudheede

 

 

Ma dillaacshay daynqaad murtidu

Waa dardaarwerinne

Diirkaan ka sare eedahaa

Daaha loo rogaye

Ka durduurta maansada runtaan

Idin dareensiine

Dibaaqiina ii fura halbaan

Taa ku sii daraye

 

 

Waxba dayday waayeel ma oga

Diifta nagu taalle

Dumarkiyo caruurtoo dudada

Daranyo ooyaaya

Dibnaa hayska leefaan xinjiro

Dhiigga loo daraye

Dawarsiga ha boobaan ciyiga

Duufka loo dhigaye

Godobtaydu duug maleh haddaa

Deda tidhaahdaane

Da’daydiyo da’aa soo socduu

Doogan nabarkaase

Dakharkaan qarsoomayn ulaa

Sii dildila dheere

Daandaansi dibindaabyadaan

Abid na daynayne

Nin kastoo na deecaamiyaa

Dib uga soo boodye

Deelkiyo dadkuba waa ogyahay

Dir iyo Daroode

 

 

 

 

Ma dillaacshay daynqaad murtidu

Waa dardaarwerinne

Diirkaan ka sare eedahaa

Daaha loo rogaye

Ka durduurta maansada runtaan

Idin dareensiine

Dibaaqiina ii fura halbaan

Taa ku sii daraye

 

 

Dyr iyo digwayn meesha iyo

Dogobka garoodi

Danood iyo daroor baan ka iman

Duudda xodayoode

Daabiyad magaaliyo guryaa

Daawad xeradeeda

Doobkiyo kura dubaniyo

Daangaslaha buuxa

Degtaan qoriga soo sudhi dhammaan

Dabarka soo goyne

Dullaanku wuu soo ekaan

Dirirti Haabile

Dalka waanu soo qaban haddaan

Duubigay madhane

Durduraanu soo geli xarago

Daansha socotayse

Duhurbaan ka dhaantayn

Arladan layga soo diraye

Diricyada maruun baanu furi  

Dulaca naagaaye

 

 

Ma dillaacshay daynqaad murtidu

Waa dardaarwerinne

Diirkaan ka sare eedahaa

Daaha loo rogaye

Ka durduurta maansada runtaan

Idin dareensiine

Dibaaqiina ii fura halbaan

Taa ku sii daraye

 

 

Darraad nabadda laga quustaybaan

Cidina doonayne

Debcina yaanan odhan oo ducada

Dyro laga keenye

Danqaabadana nimankii lahaa

Digasho noo keenye

Dirxi iyo midhaa daray durbaba

Noogu duur xula’e

Deel qaafku soo bood sidii

Doob gulaan ridaye

Ninna yaanu nagu sii dirqiyin

Hal aanna deeqayne

Dunbuqbaa arini saarantahay

Diirad iyo shiishe

Dabbaal joogto weeyaan shirkane

Laygu dagayaaye

Suugbaa diryami madashanay

Niman daboosheene

Diintiyo sharciga Eebe haddii

Daacad lagu waayay

Dawladnida yeelkeed markale

Laygu duudsiyo’e

Diilalyada raggaa ciillaniyo

Doorasho ismalehe

Waxba haysku daalina wallee

Durugtay maashiiye

 

 

 

 

Recent Forum Posts

No recent posts