Diiwaanka
Gabay

Abwaan:
Cabdirisaaq Cabdillahi Liiban

Dhiillo

 

Tiriye: Cabdirisaaq Cabdillahi Leaban

Habar Yonis – Gunbuur

Tixda: Dhiillo

July 1997

 

 

 Tixdan waxaan u dhiibay nin la yidhaa Xassan Ismaciil or Reer Guuleed Suldan ah oo igaga soo dhoofyay magaala Ajman, United Arab Emirates. Anigu wakhtigaa bil ka hor ayaan ka soo noqday waddankii ayadoo dagaalkii sokeeye dhammaday. Dagaalkaas oo ninba wixii u tabcaday maalaayo

 

Dhiillo

Xassanow haddaad dhooftayood

 

 

Naga dhaqaaqayso

Dhulkii waayo badan baanad tegin

Dhaayahaa arage

Dhabbadii Hargeysaad ka degi

Dhoobadii Herere

Inay dhaxal wareegtaad durtaba

Dhugan hareeraaye

Waxba haysku dhibin oo marnaba

Dhaygag yuu imanne

Dhogor iyo biyii ceel dhanaan

Dhamalba duugowye

Dhashii Yusuf adigaa ah iyo

Dhuuxa reer boqore

Dhambaal baan ku farayaa waray

Dhega yidhaahdaane

Adigoon dhankaa iyo dhankaa

Dhinacna sii eegin

 

 

Dhaliil iiga Reer Cabdiyo

Baarka Dhamal Adan

Ku dhamee dhudaa reer Mataan

Dhamacda Daa’uudba

Dhallinyaro iyo  waayeel u mari

Dhiillo waa belo’e

Abtiyaal dhegtiinii gabtiyo

Dhalashadiinii dheh

Dhudhun iyo laxaad iyo haddii

Laysu dhumuc sheegtay

Dhaloolshiyo haddii dhoobigii 

Kiin isugu dhaartay

Dhagariba hadday timi arlada

Rag is dhafoor taabtay

Waxaw dhididi waydeen ma garan

Dhiigu waa ficile

Niman awyadii dhiiranayn

Dhiidhi laga waaye

Dhimashada ninkaan doonahayn

Dhawrsigaa dila’e

Dhurwaa nabar la carar aarse waa

Dhaawac diriraaye

Dhaadashada ka samir duulka aan

Dhabar adaygayne dheh

 

 

Annagaba darbaa dhiibayoo 

Dhigay hubkoodiiye

Dhubbatiyo raggii sheegan jiray

Dhamasta Daaroole

Dheggediyo dhirbaaxada Abryn

Soo dhanbuuqsada’e

Baqahaa dhufaamaye ellyn

Cudud ma dheerayne

Dhaleeceeye Habar Yonisoo waa

Dhidh nagu yaalle

Hayeeshee dhigiinii Togdheer

Dhaacashada diidye

Cynaanshe soo dhure colkay

Dhalan lahaayeen

Dhayaliyo haddaan lagu dhacayn

Dhab iyo dheeldheele

 

 

Dunidaan dhamays laga helayn

Hayska dheelido’e

Taladeenu waa dhicis intuu

Dhuuni raac wado’e

Dhalanteed run moodow wallee

Dawladnimo dheere

Dharaartaa hortiin iman hadda

Dhega barjawdeene

Dhismi iyo dhaqaalana ma hadhin

Dhaqasho raacdayse

Dharab geedo kuma soo baxaan

Dheel habeenimo’e

Bal maxaa dhallaankiyo la odhan

Laguna dhaantayn dheh

Recent Forum Posts

No recent posts