Diiwaanka
Gabay

Abwaan:
Cabdirisaaq Cabdillahi Liiban

Tabaalo

 

Tiriye: Cabdirisaaq Cabdillahi Leaban

Habar Yonis – Gunbuur

Tixda: Tabaalo

March 1997

 

Tixdan tabaalo waxaan ka tiriyay dagaalkii sokeeye ee ka dacay woqooyiga Somalia. Dagaalkaa oo dhexmaray reer iyo dadka woqooyi yaalla badidiisa.

 Reerkaa dagaalka galay ama lala galay ee la yidhaa Garxajis waxaa ka mid ahaa reerka la yidhaa Ciidagale oo markay colaad tahay reeraha ugu muddokarsan ah reer Sheekh Isaxaaq maga Ciidagalena halkaa ka soo raacay

 Haddaba dagaalka dhawaa oo ka bilaabmay rugtoodii laguna bilaabay ayaga ayaan sidii la filayay Ciidagale laga arkin. Taas oon anigu u arkay in aanay awood darro ka ahayn ayse arrin darro ka tahay

 Wakhtigaas oo Habar Yonis si foolxuma ah isaga dabagashay magaalad Hargeysa, waxaan kolkaa idhi

 

 Tabaalo

Aduunyadan rag wada taahayee

Laysku wada taamay

Aduunyadan ninkii taagyaraa

Turuqa maalaayo

Aduunyadan xumaa loo tartamay ee

Lays tixgelin waayay

Aduunyadan tabcada laysa sudhay

Tabina beenawday

Tirsi malaha reerkaan wakhtigan

Talo u duubnayne

Inkastuu tamuuxaa yahoo

Lagu tasoobaayo

Tiradoodu dheefmaleh sidii

Tranta xoolaaye

 

 

Ayagaad tigaaddii dhulkiyo

Tiix onkoday mooddo

Tafaraaruq Daa’uud miyuu

Taab la hidin waayay

Ma timii Cabduunbaa dhammaan

Tobanba meel aaday

Ma tabaadigiibaa guyaal

Toon ka kici waayay

Taxtaxaashintii Herer miyay

Tani ka soo doogtay

Tusmadaa la kala riixayaa

Loo tabcanayaaye

Tiiraanyadii Guban miyay

Tanina noo raacday

 

 

Tuhun beele Muse Cabdallaba  

Toorinkii qabaye

Halku laabta ii taaban jirey

Kama tiraabaane

Waa kaa togdheer soo hadhgalay

Tooyo iyo ceege

Takartuba maroodiga cuntayiyo

Tuludda awr gaale

Tukuhuna bakhtiga waa fadha

Taran tardheeyaaye

Bal tabaaladaa daya aduun

Taamud noqon waaye

 

 

Ma turqaday ta iyo waw

Rag ways tiratireeyaaye

Tagoogaan lammaanayn waqii

Toogo bixi waaye

Tidicbaa xadhkaa loo jebshaa

Loona tebiyaaye

Taban taabo waa ii egtahay waxaan

Tarona loo noole

Tageero kuu maleh nimay

tiisu kala taalle

Tawfiiq la’aam bay elleen

Rag igu tiigteene

Taajkiyo raggii iga tagaan

Tunaba xaalyne

Tuumaatida ninkii igu dhuftay

Tuugba ma lahayne

Bal tabaaladaa daya aduun

Tooggo bixi waaye

 

 

Recent Forum Posts

No recent posts