Diiwaanka
Gabay

Abwaan:
Cabdirisaaq Cabdillahi Liiban

Tixda Gobanimo

Tixdan waxaan tiriyay Dec 2013 waxaana iga keenay nin ku kacay arrin aan anigu la yaabay. Arrintaas oo uu weliba gabay ku daray.

 

Gobannimo 

Gammaankaba haddii lagu tirshoo orod Gawwaan raaco

Elleen abid garmaamada darmeer faras ma gaadhaayo

 

Guulamo roobiyo gudgudi gabadh darrooraaya

Gabadanada jiilaal Elleen mayay ma gawdiido

 

Gebgebtiyo ciyaartiyo waxay Gebi dhaclaynayso

Elleen gorayo labadeeda baal Ciidda kama gooyo

 

Gahaydhiyo madheedhkiyo hadday gaxadhka soo daaqdo

Gaawe laga buuxsho Elleen Gaanyo kuma deeqdo

 

Guyaal badan haddii uu jiroo guudka ka caddaado

Elleen dumar garaad uma kordhoo guurti kama eegtid

 

Guunyo iyo garaadaba haddii Guulle ugu deeqo

Ciil kama gabowdoo elleen guni ma soo rayso